Thursday, November 30, 2017

ᎷᎪᏕᏆᎬᏒ ᎷᎧᏂᎪᎷᏋᏋᎴ ᏁᏬᏬᏒ ᏕᏂᎪᏒᎥᎥƒ ᏰᎪᏒᎧᏇ

1. Jacayl dhab ah

2. Jacayl gaaban

3 Jacayl danaysi

4. Jacayl Xushmo ah

5. Jacayl Socod wadaag ah

6. Jacayl Guud ah

 7.Jacayl Laab la kac ah ogow



1. Jacayl dhab ah:- Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeystaan


2. Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii


3. Jacayl danaysi Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo wax u dhigma


4. Jacayl Xushmo:Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad  qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go aansato inaad xushmo tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta.


5. Jacayl Socod wadaag Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod la joogis  sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado


6. Jacayl Guud:-Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm


7.Jacayl Laab la kac ah Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.

ᎷᎪᏕᏆᎬᏒ ᎷᎧᏂᎪᎷᏋᏋᎴ ᏁᏬᏬᏒ ᏕᏂᎪᏒᎥᎥƒ ᏰᎪᏒᎧᏇ

1-Qalbigeygu wuu dilaacay, dhiig ayaana ka socda, lagasoo bilaabo illaa xilligii aan waxyeelo kuu geystay oo  aad weysay farxaddaada,fadlan duug godadka ka qodmay qalbigaaga, kuna dabool cafis naxariis leh.

2-Waxaa ii farxad ah inaad noqoto lamaanaheyga,wehelka nolosheyda,kamana daali doono inaan kugu dhaho Sorry ”raali noqo” oo i cafi, xiili kasta,Lamaane.

3-Waxaan dareemayaa inaan wax u dhimay aaminaadaada,waxaan sidookale musiibo geliyay oo murugo u sababay nafsadeyda,laakiin haddana waxaan xaqiiqsanahay in jaceylkaaga oo dhan uu ka buuxo qalbigeyga, waan ka xumahay tacadigeyga

4- Ogow xaq ayaad u leedahay inaad carooto,haddana ha hilmaamin in anigane aan farxad dareemi doonin ilaa aad iga aqbasho raali-gelinteyda,

5- Waxaan ku eedeynayaa nafteyda xanuunka aan u geystay noloshaada,waxaan haddana diyaar u ah inaan sameeyo wax kasta oo aan kugu raali gelin karo,aadna ku farxi karto,waxaan doonayaa inaan baabi’iyo farqiga inoo dhaxeeya oo dhan,

6- Waxaan kugu sababay xanuun,waan kaa oohin siiyay,waan ku dhaawacay,waan kaa xanaajiyay,dhacdadaan darteed waxaan eedeynayaa nafteyda,si weyn ayaan ugu murugeysanahay in aad farxad la,aan noqoto,waaan ogahay waxii aan sameeyay waa wax aad u xun,lakiin marnaba ujeedadeydu ma’aheyn inaan ku xumeeyo,waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa.

7- Waxaan doonayaa in waqtiga nolosheyda oo dhan aan adiga kula qaato,kumana fikiraayo inaan daqiiqad ku waayo.

8- Kama xishoonaayo inaan ku jeclahay,kamana weyni inaan ku raali geliyo,taas waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago.

9- Waxaad tahay fallaarta ugu iftiinka badan nolosheyda oo dhan,xanaaqaaga waxuu iga dhigaa mugdi,fadlan waxaan sugayaa jawaabtaada,waxaan xaqiiqsanahay in aad i aaminsantahay.

10- Waxaad u dhadhameysaa sida malabka oo kale,waxaad u nuureysaa oo aad u dhalaaleysaa sida dayaxa oo kale,fadlan aqbal raali-gelinta,anigane waan qaadanayaa dhamaan khaladka aad tabaneyso.

11- Waxaad leedahay oo Alle kugu manneystay muuqaalka ugu wanaagsan ee uu noole yeesho,mana jirto cid lagula simo oo dunida joogto.

12- Ma aqaan waxii igu dhacay,waan ogahay sidaan sameeyay in ay aheyd wax laga xumaado,waxaan ahay naf ku jecel,diyaarna u ah noloshaada.

13- Fadlan xiriirkeena aan kusoo celino sidii hore,sidaas waxaa ku jirta danteena,waxaa ku jira hormarkeena,waana farxadda qof waliba oo naga mid ah.

14- Waan seexan waayay,mana awoodo inaan cunto cuno,waxaan dareemayaa dhibaato xoggan,waxaan aaminsanahay in dhibaatadaan oo kale ay daawo u tahay farxaddaada,Lamaane ii dhoola caddey iina sheeg in aad ii faraxsantahay.

15- Waxaan u soo dirayaa farrintan inaan ku qanciyo oo aan muujiyo sida aan ugu murugeysanahay dhibkaaga,waad qaadan kartaa ama ka tagi kartaa raali-gelintan,lakiin haddii aadan qaadanin waxaan kusoo diri doonaa farriimo kale oo badan illaa aan ka dareemo farxadaada.

16- Waxaad tahay qofka ugu macaan uguna qurruxda badan,waxaan ogahay inaad sameyn doonto qaab kasta oo aad igu cafineyso,waan hubaa waad I cafin doontaa,miyeysan sidaas aheyn??

17- Waxaan dareemayaa inaan ahay qofka ugu xun dunida,si dhab ah ayaan xanuunsanayaa,waxaan kaa ballan qaadayaa in arrintan aysan dib u dhici doonin.

18- Waxaad tahay saaxiib qaali igu ah oo ay adagtahay in la,aantiis ay farxad dareento niyadeyda.

19- Haddii aan ka fogaan karo waxii dhacay waan sameyn lahaa,lakiin maadaama aan sidaas sameynin waxaan diyaar u ahay inaan bixiyo raali-gelinta buuxda.

20- Ma garaanayo waxaan dhaho,lakiin raali-gelinta ayaa ah dawada khalad la sameeyay,waxaan rajeynayaa inaad eegi doonto wanaaga ka dambeyn doona xanaaqa,waan ku jeclahay,cafintu waa dawada ugu wanaagsan ee uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo.

21- Waqtiga iyo da’duba way socdaan lakiin jaceylka aan kuu qabo wuu sii jiri doonaa haddane sii xoogeysan doonaa.

22-Waxaan jeclaan lahaa in maalintii oo dhan  aan kugu qaado dusheyda,kuguna haayo gacamheyga,waxaan hubaa in aan marnaba dareemi doonin daal, qofkii ku helaa nasiib leh