1. Jacayl dhab ah
2. Jacayl gaaban
3 Jacayl danaysi
4. Jacayl Xushmo ah
5. Jacayl Socod wadaag ah
6. Jacayl Guud ah
7.Jacayl Laab la kac ah ogow
1. Jacayl dhab ah:- Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeystaan
2. Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii
3. Jacayl danaysi Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo wax u dhigma
4. Jacayl Xushmo:Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go aansato inaad xushmo tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta.
5. Jacayl Socod wadaag Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod la joogis sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado
6. Jacayl Guud:-Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm
7.Jacayl Laab la kac ah Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.
No comments:
Post a Comment